3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 29, 2021
Shirka golaha wadatashiga qaran ee arrimaha doorashada oo lagu wado in galabta lasoo gabagabeeyo
 

Talaado, Juun, 29, 2021 (HOL) - Shirka golaha wadatashiga qaran ee doorashooyinka ayaa galabta lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo lagana soo saaro war murtiyeed, sida HOL u sheegeen masuuliyiin ka agdhow shirka.

Madaxda ayaa maanta isla meel dhigidoona qorshaha amniga doorashada, soo gudbinta xubnaha guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo iyo sameynta jadwalka cusub ee doorashooyinka.

Bilowgii hore ee shirka maanta, waxaa warbixino looga dhegaystay kooxda la taliyayasha farsamada ee arrimaha doorashooyinka.

Waa shirkii labaad oo ay yeeshaan golaha wadatashiga qaran ee Soomaaliya, tan iyo markii uu hoggaaminta doorashada la wareegay raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Dhinaca kale, Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa qaabilay wakiillo ka socday haweenka Soomaaliyeed oo ay horkaceysay wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Marwo Xaniifa Xaabsade.

Waxay ka wada hadleen xaqiijinta qoondada haweenka ee 30% ee Goleyaasha Baarlamaanka Soomaaliya ee soo socda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
6/29/2021 11:49 AM EST
Talaado, Juun, 29, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in horumarka caafimaadka Somaliland uu ku socdo xawaare ka badan ka reer Yurub.

6/29/2021 10:52 AM EST
Talaado, Juun, 29, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isagoo tixraacaya heshiiskii 27-kii May 2021, sidoo kale na tixgelinaya baahida loo qabo dardar gelinta geeddi-socodka doorashada magacaabay Guddiga Dib-u-heshiisiinta Gedo.

6/29/2021 10:30 AM EST
Talaado, Juun, 29, 2021 (HOL) - Golaha wadatashiga qaran ee doorashada Soomaaliya, ayaa soo saaray Jadwalka doorashada Soomaaliya iyo go’aamo ay ku gaareen Shirka arrimaha doorashada uga socday Muqdisho.

6/29/2021 7:43 AM EST
Talaado, Juun, 29, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha golaha kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa markale dhaliil adag u jeediyay Raysal wasaraaha Soomaaliya.

6/29/2021 7:18 AM EST
Talaado, Juun, 29, 2021 (HOL) - Waxaa maalintii labaad galay shirka golaha wadatashiga qaran oo u dhaxeeya madaxda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

6/29/2021 3:39 AM EST
Talaado, Juun, 29, 2021 (HOL) - Urur goboleedka IGAD ayaa ka codsaday dowladaha Soomaaliya iyo Kenya in doorashadooda soo socota ay u qabsoonto si habsami iyo nabad ah.

6/29/2021 2:38 AM EST
Talaado, Juun, 29, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab oo xalay ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

6/29/2021 2:22 AM EST
Talaado, Juun, 29, 2021 (HOL) - Xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa beeniyay in wax ka bedel lagu sameynayo heshiiskii doorasho ee 27 kii May, kadib markii raysal wasaaraha Soomaaliya uu isugu yeeray dowlad goboleedyada.