4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 29, 2021
Urur goboleedka IGAD oo Soomaaliya iyo Kenya ugu baaqay in ay qabtaan doorashooyin nabdoon
 

Talaado, Juun, 29, 2021 (HOL) - Urur goboleedka IGAD ayaa ka codsaday dowladaha Soomaaliya iyo Kenya in doorashadooda soo socota ay u qabsoonto si habsami iyo nabad ah.

“IGAD waxay ku ammaantay shacabka iyo dowladaha Jabuuti, Uganda iyo  Itoobiya sida ay u sameeyeen doorashooyin nabdoon oo habsami leh,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Golaha Wasiirrada IGAD waxay ugu baaqeen Soomaaliya iyo Kenya in ay si isku mid ah u qabtaan doorashooyin nabdoon oo nidaamsan sida ku xusan jadwalka doorashadooda.

IGAD waxay bogaadiyeen Madaxweyne Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Rooble, madaxda shanta dowlad-goboleed is afgaradkii lagu soo afjaray khilaafkii muddada dheer soo jiitamayey isla markaana dejiyey khariidad loo maro doorashooyinka soo socda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online