3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 25, 2021
22 sano iyo bar xabsi ah oo lagu riday askarigii dilay Goerge Floyd


Jimco, Juun, 25, 2021 (HOL) - Derek Chauvin, oo ah sarkaalkii George Floyd ku dilay wado kamid ah magaalada Minneapolis sanadkii lasoo dhaafay, ayaa maanta lagu xukumay 22 sano iyo bar xabsi ah.

Dacwad oogeyaasha kiiskaan ayaa doonayay in 30 sano oo xabsi ah lagu rido Derek Chauvin, iyadoo loo eegayo saameynta ka dhalatay dilka ninka madowga ah.

Dhinaca kale, qareenada u doodayay sarkaalka booliiska ah ayaa doonayay in lagu xukumo 15 sano oo xabsi.

Chauvin dambiga lagu haystay waxaa sii xumeeyay afar arrimood oo kala ah, in uu si arxan darro ah ula dhaqmay Floyd, inuu sameeyay ku takri fal awoodeed, inuu dambiga galay isagoo qeyb ka ah koox booliis ah iyo inuu dilku ka dhacay goob ay carruur ku sugnayd.  

Peter Cahill oo ah garsooraha maxkamadda xukunka riday ayaa sheegay xukunka lagu riday Derek Chauvin in uusan ku saleysneyn qiiro ama naxariis, laakiin uu yahay xukun caddaalad ah oo ka tarjumayay dambiga  eedeesanaha.

Waa xukunkii ugu dheeraa oo sarkaal boolis ah abid lagu xukumo, taariikhda gobolka Minnesota.

Sanadkii lasoo dhaafay boqolaal kun oo dadweyne oo ka caraysnaa dilka Goerge Floyd ayaa isugusoo baxay dalka Maraykanka oo xilligaas aad ula daalacayay faafitaanka caabuqa Covid19.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
 












Click here
6/25/2021 12:55 PM EST
Jimco, Juun, 25, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta galinkii dambe gaaray magaalada Muqdisho.

6/25/2021 7:35 AM EST
Jimco, Juun, 25, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi goordhaw lagu dilay askari ka tirsanaa Booliiska Saldhiga degmada Yaaqshiid.

6/25/2021 5:08 AM EST
Jimco, Juun, 25, 2021 (HOL) - Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Sooomaaliya ayaa sheegay dhameystirka howlaha doorashada waqtigii loogu talagay in ay tahay mid muhiim ah.

6/25/2021 4:58 AM EST
Jimco, Juun, 25, 2021 (HOL) - Wafdigan ka socday Wasaaradda Caafimaadka dalka Turkiga oo uu hoggaaminayaay Dr Cevdet Erdol ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

6/25/2021 4:32 AM EST
Jimco, Juun, 25, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay soo badbaadisay 300 oo dhalinyaro Kenyan ah oo ay Alshabaab u qorteen, si ay tababaro ugu siiyaan gudaha Soomaaliya.

6/25/2021 4:30 AM EST
Jimco, Juun, 25, 2021 (HOL) - Militariga dowladda Itoobiya ayaa beeniyay iney duqeyn dhinaca cirka aha aay ku dileen dad ku sugnaa Suuq weyn oo ku yaala gobolka Tigray, islamarkaana sheegay iney bartilmaameedsadeen dagaalayahanada Mucaaradka oo dhar shacab ah xirnaa.