4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 25, 2021
Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed oo gaaray Magaalada Muqdisho


Jimco, Juun, 25, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta galinkii dambe gaaray magaalada Muqdisho.

Safarka madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa ujeedkiisu yahay ka qeybgalka shir uu ku casuumay Raysal wasaaraha Soomaaliya madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo Muqdisho ka dhacaya.

Shirkan lagu wado iney markale Muqdisho ku yeeshaan madaxda golaha wadatashiga qaran ayaa ah mid la doonayo in looga hadlo waxyaabahii ka qabsoomy arrimaha doorashooyinka dalka tan iyo waxii ka dambeeyay heshiiskii 27-kii bishii May iyo waliba dardar gelinta shaqooyinka harsan ee horyaala doorashooyinka dalka.

Madaxweynayaasha kale ee dowlad goboleedyda Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug, iyo Puntlabd ayaa lagu wada iney iyagana saacadaha soo socda soo gaaraan magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]