4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 23, 2021
Xisbiga Waddani oo ka jawaabay eedo ay usoo jediyeen qaar kamida musharixiintii doorashada
 

Arbaco, Juun, 23, 2021 (HOL) - Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani, ayaa beeniyay warka musharixiin Waddani ah oo ku eedeyay in xisbiga Waddani laftiisu xaday codkii ay bulshada ka heleen.

Hogaamiyaha ku meel gaadh ka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqadir Jirde, ayaa sheegay in dooda musharixiintu ay tahay mid jaban.

"In ay yidhaahdaan xisbigii nagu soo tabcay ayaa na xaday maaha wax suurogal ah" ayuu yidhi.

Jirde ayaa sheegay in hadii ay codad xadayaan  ay xadi lahayen codka Kulmiye.

"Hadii aanu codad xadayno, waxanu xadilahayn codadka xisbiga naga soo horjeeda ee Kulmiye" ayuu yidhi.

Xuseen Caydiid oo katirsan xisbiga Waddani ayaa isaguna sii xoojiyay hadalka Jirde.

Eedaha musharixiinta ayaa yimid kadib doorashadii isku sidkanayd ee barlamaanka iyo deegaanka oo 3 meeloodow 2 meelood oo musharixiin ahi ay dhaceen.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
[email protected]