4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 23, 2021
Al-shabaab oo fagaare ku toogatay nin gowracay hooyadiis iyo walaalkiis
 

Arbaco, Juun, 23, 2021 (HOL) - Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa shalay galinkii dambe goob fagaare ah oo ku taala deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan ku fuliyay xukun dil toogasho ah.

Xukunka dilka toogashada ah ayaa waxaa lagu fuliyay nin lagu eedeyay inuu horay u dilay hooyadii dhashay iyo walalkiis.

Eedeysanaha la toogtay ayaa lagu macaabi jiray Maxamed Calasoow Cabdi, kaasoo la sheegay inuu horay u gowracay hooyadiis oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Cismaan Cumar oo 72 sano jir aheyd iyo walaalkiis oo lagu magacaabi jiray Macalin Maxamuud Calasoow Cabdi.

Fagaaraha lagu dilay ninka eedeysanaha ahaa waxaa kasoo qeyb galay dadweyne farabadan, si aay u daawadaan xukunka dilka toogashada ah ee lagu fulinayay ninka dilay hooyadiis iyo walaalkiis.

Al-shabaab inta badan waxay ka fuliyaan deeganaada aay ku sugan yihiin xukuno kala duwan oo la xariira dilal iyo gacan goyn, iyagoona dhowr jeer oo hore fuliyay xukuno toogasho, gacmo jaris iyo garbaash ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]