4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 23, 2021
Al-shabaab oo maalin kadib sheegatay masuuliyada dilkii guddoomiyahii dhalinyarada Hiiraan
 

Arbaco, Juun, 23, 2021 (HOL) - Ururka Al-shabaab ayaa maanta oo Arbaca ah si rasmi ah u sheegtay masuuliyada dilkii loo geystay habeen hore guddoomiyahii Ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan Faarax Cabdi Cali oo loo yaqiinay Faarax diir.

Al-shabaab ayaa bartooda Internetka ku shaaciyay iney iyaga ka dambeeyeen masuuliyada weerarkii lagu dilay allah u naxariiste guddoomiyahii dhalinyarada gobolka Hiiraan, kuna dhaawacmeen sadax kale oo dhalinyaro ahaa.

Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in Marxuum Faarax diir uu ka mid ahaa waxay ugu yeereen maamulka Ridada ah.

"Magaalada Baladweyne gaar ahaan dhanka Bari waxaa lagu dilay murtad Faarax Cabdi Garuun (Faarax Diir) oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa maamulka Ridada ee gobalka Hiiraan" ayaa lagu yiri qoraalo lagu faafiyay baraha aay ku leeyihiin Internet-ka Ururka Al-shabaab.

Sheegashada Al-shabaab ee dilka guddoomiyahii dhalinyarada gobolka Hiiraan Faarax diir Cabdi Cali ayaa imaaneysa in ka badan 24 saacadod kadib dhimashadiisa, kaasoo shalay subax lagu aasay khabuuraha guufaale ee duleedka magaalada Baledweyne waxaana aaskiisa ka qeyb galay boqolaal dad weyne ah iyo madax ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Hiiraan Online News Disk