4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 23, 2021
Maxkamada sarre ee Somaliland oo ka hadashay dacwado ay usoo gudbiyeen musharixintii dhacay
 

Arbaco, Juun, 23, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Adan Xaaji Cali, ayaa sheegay in maanta ay bilaabeen dhagysiga 23 dacwadood oo musharixiin uso gudbisay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in 25 cabasho soo gaadheen markii hore lakin ay laba kamid ahi ka noqdeen dacwadooda

Musharixiintan dacwadaha gudbiyay, ayaa ah musharixiintii aan ku qancin natiijadii doorashada.

Ka garnaqa dacwadahan ayaa bilaabmay maanta sida uu sheegay gudoomiyaha maxmada sare.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in kadib marka lagu dhawaaqo, natijada rasmiga ah ee doorashada uu madaxweynaha Somaliland muddo 30 cisho gudahood ah iskugu yeedhi doono golaha wakiilada.

Maxkamada sare, ayaa ka garnaqaysa dacwadaha ay soo gudbiyeen musharixiintii aan ku qancin natiijadi hordhaca ahayd ee doorashooyinka.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]