4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 23, 2021
Wafdi uu hoggaaminaayo Danjiraha Sweden oo gaaray magaalada Baledweyne


Arbaco, Juun, 23, 2021 (HOL) - Wafdigan uu hoggaaminayo Safiirka wadanka Sweden u fadhiya Soomaaliya Staffan Tillander ayaa goordhaw gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga Danjiraha Sweden ee Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif Baledweyne kuso dhaweeyay madaxda maamulka Hirshabeelle, kan gobolka iyo degmada, Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Soo dhaweynta kadib waxay kormeer ku tageen wafdiga deegaanka Hilikilyo oo ka mid ah deegaanada laga hirgeliyay biyo xireenada fatahaada wabiga Shabeelle, halkaaso aheyd meelaha ugu daran ee wabiga karkaarada ka jabsan jiray sanadahii lasoo dhaafay.

Ujeedada wafdigan Baledweyne usoo gaareen ayaa lagu sheegay iney tahay ka qeyb qaadashada wax ka qabashada arrimaha fatahaadaha ee kusoo laablaabtay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Gabagabadii wafdiga Danjiraha dalka sweden ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa iney kulan gaar ah la qaataan madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, kaaso la sheegay in diirada lagu saari doono sidii wax looga qaban lahaa fatahaada wabiga Shebeelle uu ka geysto deegaanada maamulka Hirshabeelle.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa magacaabay guddi heer wasiiro ah oo qaabilsan soo dhaweynta wafuuda ugana warbixiya mashaariicda iyo howlaha la xariira arrimaha fatahaadaha ee ka socda gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]