4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 21, 2021
Hay'ada caafimaadka aduunka oo qalab caafimaad ku wareejisay Somaliland
 

Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL)- Hay'ada caafimaadka aduunka ee WHO, ayaa dawooyinka lagaga hortago iyo kuwa lagu daweeyo xanuunka Shubanka ku wareejiyay Somaliland.

Qalabkan ayaa ka loogu talo galay in lagulan tacaalo xanuunka Shubanka oo ka dilaacay qaybo kamida Somaliland.

"Sidad wada ogsoontihiin waxa soo kordhayay xaalado dhinaca shuban ka ah, oo gobolada oodhan laga soo sheegayo" sida waxa yidhi agaasimaha caafimadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye.


"Waxanu hada la wareegayna 910 kartoon, oo midkasta 10 litir ku jiraan" ayuu hadalkiisa ku daray agaasime Xergeeye.

Qalabkan caafimaad ayaa ka kooban dawooyinka lagaga hortago in bukaanku fuuq baxo xiliga shubanka iyo kuwa lagu daweeyo shubanka kadib.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
[email protected]