4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 21, 2021
Guddoomiyahii Ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan oo Caawa Baledweyne lagu dilay
 

Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw oo Caawa ah halkaasi lagu dilay guddoomiyahii Ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan Faarax Diir Cabdi Cali.

Allah u naxariiste Faarax Cabdi Cali oo loo yaqiinay Faarax Diir ayaa goordhaw kooxo bastoolado ku hubeysan waxay ku dileen xaafada Xaawa taako gaar ahaan laanta Nuur xawaad ee magaalada Baledweyne.

Marxuumka ayaa la sheegay in la dilay isaga oo fadhiya maqaaxi shaaha laga cabo oo ku taala xaafada Nuur xawaad waxaana goobta lagu dilay ku dhaawacmay sadax dhalinyaro ah oo shaaha la cabaayay marxuumka, kuwaas oo magacyadooda lagu soo koobay Cabdi dhoore, Garaar iyo gaabane oo dhaawacooda la geeyay goobaha Caafimaadka Baledweyne.

Kooxdii dilka geystay ayaa isaga baxsatay goobta aay ku dileen guddoomiyahii Ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan Faarx diir.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa dhalinyarada aadka u firfircoon ee ka dhex muuqday bulshada gobolka Hiiraan, lamana oga cida ka dambeysa dilkiisa.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]