4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 21, 2021
Guddiga Farsamada oo guddiyada doorashooyinka dalka ku amray iney xaroodaan
 

Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL) - Guddiga Farsamada arrimaha doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in xubnaha guddiyada doorashada dalka inaay ku soo xaroodaan ugu dambeyn maalinta Khamiista ah si loogu bilaabo tababaro ku saabsan habka aay ku shaqeyn lahayeen.

Guddoomiyaha guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka dalka ayaa Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya ku wareejiyay liiska xubnaha kama dambeysta ah ee guddiyada doorashada dalka, islamarkaana dhawaan la guda gali doono howlaha doorashooyinka.

Guddoomiye Cabdulqaadir Cilmi Cali ayaa sheegay in mudo todobaad ah la tababari doono guddiyada kadibna aay dhexdooda iska dooran doonaan guddoonkooda.

Xubnaha guddiga farsamada ee xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaciyay in guddiyada marka uu tababarka u dhamaado si toos aay u gudda gali doonaan qabashada doorasho loo dhan yahay oo xor iyo xalaal ah.

Raysal wasaare Rooble ayaa la sugaya inuu dalka ka hirgaliyo doorasho lagu wada qanacsan yahay oo waqtigeeda ku qabsoonta, waxaana la filayaa maalmaha soo socda magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka iney ka bilaawdaan ololaha doorashada Musharaxiinta Xildhibaanada Baarlamaanka labada Aqal ee dowladda Soomaaliya kadibna xigi doonto tan madaxweynaha Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]