4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 21, 2021
Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Gorgor oo lagu dilay magaalada Muqdisho
 

Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL) - Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii ku dilay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Kumaandooska Gorgor ee dowladda Soomaaliya.

Dabley ku hubeysnaa Bastoolado ayaa la sheegay in Sarkaalka aay toogasho ku dileen xili uu kusii jeeday hoygiisa oo ku yaala degmada Wadajir, kaasoo u geeriyooday rasaastii aay la dhaceen kooxdii bastooladaha ku hubeysneyd.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Yarami, kaaso ka mid ahaa ciidamada Gorgor ee tababarka kusoo qaatay dalka Turkiga.

Kooxdii dilka u geysatay Sarkaalka ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana halkaasi saacado kadib gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaas oo baartitaano ka bilaabay xaafada lagu dilay sarkaalka mana jirto cid loo soo qabtay dilkiisa.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]