3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 21, 2021
Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay heshiiska ganacsi ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya
 

Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay in awood-siinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta suuqyo heer gobol ah oo loo iib geeyo wax soo saarka dalka, taaso kor u qaadeyso dhaqaalaha dalka fursadaha shaqaaleysiinta dhallinyarada iyo heer nololeedka  shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa  warbixin ka dhageystay Wasiirrada Wasaaradaha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdullahi Bidhaan Warsame, Gaadiidka iyo Duulista Hawada Durraan Axmed Faarax ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in ganacsiga kala dhexeeya dalkeenna, dalalka dariska uu ku saleysan yahay isu dheellitirnaan iyo wax wada qabsi, iyada oo ganacsatada Soomaaliyeed ay helayaan dheef-dhaqaale oo u dhiganta tan dhiggooda badeecadaha keensada dalka.

Maamulaha Shirkadda dhoofisay Kalluunka maanta loo iib geeyey Itoobiya ee qeybta ka ah is-dhaafsiga dhaqaale ee Labada dal Maxamed Ibraahim Cali (Cajiib) oo kulanka ka qeyb galay ayaa uga mahadceliyey madaxda dalka mudnaanta ay siinayaan xal u helista caqabadaha ku xeeran ganacsatada Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso suuq-geynta heer gobol iyo jaangooynta fursadaha.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdullahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Durraan Axmed Faarax ayaa sheegay in fursadaha iskaashiga ganacsi ee dalalka dariska ah ay barbar socdaan dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, isu dheellitirka ganacsiga aan la wadaagno dalalka dariska ah iyo xoojinta wax soo saarka, taasoo suurta gelinaysa in dalagyada iyo wax soo saarka kale ee dalka ay ka muuqdaan suuqyada dalalka Gobolka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu si weyn u bogaadinaayo suuqa ganacsi ee u soo kordhay kalluumaysatada Soomaaliyeed, waxa uuna xaqiijiyey in la joogo waqtigii aynu kula tartami lahayn dalalka gobolka wax soo saarka gudaha dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/21/2021 5:04 PM EST
Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL)- Hay'ada caafimaadka aduunka ee WHO, ayaa dawooyinka lagaga hortago iyo kuwa lagu daweeyo xanuunka Shubanka ku wareejiyay Somaliland.

6/21/2021 3:36 PM EST
Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw oo Caawa ah halkaasi lagu dilay guddoomiyahii Ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan Faarax Diir Cabdi Cali.

6/21/2021 1:27 PM EST
Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL) - Xubnaha cusub ee golaha deegaanka degmada Buuhoodle, ayaa mayor u doortay Khadiija Axmed Yuusuf halka ay mayor ku xigeena u doorteen Mustafe Cabdi Ayaanle.

6/21/2021 10:50 AM EST
Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL) - Wasiirka maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in Soomaaliya ka mid tahay waddamada loo bahanyahay in Somaliland la baro.

6/21/2021 9:04 AM EST
Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL) - Guddiga Farsamada arrimaha doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in xubnaha guddiyada doorashada dalka inaay ku soo xaroodaan ugu dambeyn maalinta Khamiista ah si loogu bilaabo tababaro ku saabsan habka aay ku shaqeyn lahayeen.

6/21/2021 7:12 AM EST
Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL) - Guddi loo xilsaaray baaritaanka dilkii magaalada Gaalkacyo loogu geystay Sheikh Cali Axmed Faarax (Cali Dheere), ayaa maanta soo bandhigay warbixin ku saabsan natiijada baaritaan dilkiisa.

6/21/2021 3:08 AM EST
Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sameeyay guddiga ka shaqeyn doona amniga doorashooyinka dalka.

6/21/2021 2:46 AM EST
Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL) - Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii ku dilay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Kumaandooska Gorgor ee dowladda Soomaaliya.