12/10/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 20, 2021
Soomaaliya iyo Ethiopia oo Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ku saabsan ganacsiga kaluunka iyo Qaadka
 

Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maanta oo Axad ah magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu kala saxiixday heshiis ganacsi oo la isku dhaafsanayo kalluunka iyo Qaadka.

Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya Cabdillaahi Bidhan Warsame oo ay wehliyaan Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Duraan Axmed Faarax, safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya iyo marti sharaf kale ayaa ka soo qeyb galay saxiixa heshiiska ganacsi ee labada dal kaas oo kor u qaadi doona xiriirka ganacsi.

Shixnaddii ugu horreysay oo dhan 20,000 tan oo kalluun ah oo Soomaaliya ay leedahay ayaa maanta loo diray dalka Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay heshiiskaan ganacsi oo ay la galeen Ethiopia inuu abuuri doono mashaariic horumarineed, ilo dhaqaale iyo ganacsi badeecaddeed.

Wasiirka kalluumaysiga Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan, ayaa sheegay heshiiskaan inuu ganacsatada Soomaaliyeed ee kalluuunka ka caawinayo in ay si sharci ah dalka Ethiopia ugu dhoofin karaan wax soosaarkooda.

“Howshani waa bilow. Dad badan ayaa laga yaabaa in ay maqlaan Qaadka Kenya maxaa loo joojiyay? Qaadka Kenya waxaa loo joojiyay, dowladda Kenya waxay naga diiday in aan annaga wax u dhoofino dalkooda. Gacmuhu waxay ku fiican yihiin in ay wax isweydaarsadaan,” ayuu yiri wasiir Bidhaan.  

Safiirka Ethipia u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay heshiiskaan inuu isku dheellitirayo ganacsiga labada dal uuna mustaqbalka dhow horseedayo in ay shacabka labada dal ku liibaanaan.

“Waxaan maanta taariikhda markii ugu horaysay daahfurnay ganacsiga kheyraadka badda ah, kaasoo tusaale u ah in labada dal ay aad u xiisanaynaan in xiriirka lasii kordhiyo,”ayuu yiri safiirka.

Toddobaadkii hore, wasiirro ka tirsan dowladda federaalka iyo koox ganacsato Itoobiyaan iyo Turki ah ayaa socod ku soo maray degmada qadiimiga ah ee Warsheekh ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyagoo soo indha indheeyay maalgashi iyo fursado ganacsi oo kalluunka laga heli karo

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
6/20/2021 6:12 PM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Xulka kubada cagta Soomaaliya ayaa caawa la kulmay guul darro 2-1 ah oo kasoo gaartay cayaar ay la dheeleen xulka dalka Cumaan, cayaar katirsanayd isreebreebka tartanka kubada cagta wadamada Carabta.

6/20/2021 4:39 PM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Caawa ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaasoo la sheegay in lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo marayay Isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho.

6/20/2021 12:49 PM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Iyadoo maalmahii lasoo dhaafay magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu afduubanayay gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ayaa maanta Booliiska dalkaasi Kenya waxay sheegeen iney gacanta kuso dhigeen mid ka mid ah kooxaha wax afduubaneysay.

6/20/2021 12:49 PM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo musharixiintii haweenka aha ee doorashada ka qayb galay, ayaa yeeshay kulan lagaga hadlayo dumarka iyo doorashooyinka.

6/20/2021 8:27 AM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Xubnaha cusub ee golaha deegaanka Burco, ayaa Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi u doortay mayor ka cusub ee Burco, halka ay Mukhtaar Maxamed Cabdi u doorteen mayor ku xigeen.

6/20/2021 7:18 AM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dagaal xoogan oo aay la galeen dagaalamayaasha Al-shabaab, kadib waxay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Orshe oo qiyaastii 50KM dhinaca Bari kaga beegan degmada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

6/20/2021 5:26 AM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay dileen ku dhawaad 24 ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Alshabaab, kadib howlgal ka dhacay degmada Diinsor gobolka Bay ee koonfur galbeed.

6/20/2021 5:05 AM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Gudoomiyaha degmada Laascaanood ayaa loo doortay Cabdiraxiin Cali Ismaaciil oo xisbiga Waddanì ka tirsan halka kuxigeena loo doortay Axmed Maxamuud Kawte oo ka soo jeeda xisbiga UCID.

6/20/2021 3:24 AM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab oo ka dhacay shalay galinkii dambe degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

6/20/2021 2:47 AM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Gabadhan 14 jirka ayaa la sheegay in kufsi wadareed loogu geystay deegaanka Ceelasha kadib markii la sheegay in qaab afduub ahaan looga kaxeystay wadada.