12/10/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 20, 2021
Diinsoor : 24 ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Diinsoor
 

Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay dileen ku dhawaad 24 ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Alshabaab, kadib howlgal ka dhacay degmada Diinsor gobolka Bay ee koonfur galbeed.

Howlgalka ayaa yimid kadib markii xalay ururka Alshabaab ay 3 jeer isku dayeen in ay soo weeraraan saldhigyada ciidanka ay ku leeyihiin degmadaasi Diinsoor ee gobolka Bay ee Koonfur galbeed.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga ayaa Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in weerarka Alshabaab kusoo qaaday halkaasi looga khaarijiyay 24 xubnood oo meydadkooda yaaliin goobihii howlgaladu ay ka dheceen,kuwa firxadka ahna lagu raad joogo.

Degmada Diinsoor oo ah magaalo istratiiji ah ayaa khiyaas ahaan Baydhabo u jira 100 Km, waxayna ku taalaa xadka gobolada Bay, Sh. Hoose, Gedo iyo Jubbooyinka, halkaasi oo ay difaacyo xooggan ay ku leeyihiin cutubyo ka tirsan ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan talista qeybta 60-aad.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
6/20/2021 6:12 PM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Xulka kubada cagta Soomaaliya ayaa caawa la kulmay guul darro 2-1 ah oo kasoo gaartay cayaar ay la dheeleen xulka dalka Cumaan, cayaar katirsanayd isreebreebka tartanka kubada cagta wadamada Carabta.

6/20/2021 4:39 PM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Caawa ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaasoo la sheegay in lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo marayay Isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho.

6/20/2021 12:49 PM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Iyadoo maalmahii lasoo dhaafay magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu afduubanayay gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ayaa maanta Booliiska dalkaasi Kenya waxay sheegeen iney gacanta kuso dhigeen mid ka mid ah kooxaha wax afduubaneysay.

6/20/2021 12:49 PM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo musharixiintii haweenka aha ee doorashada ka qayb galay, ayaa yeeshay kulan lagaga hadlayo dumarka iyo doorashooyinka.

6/20/2021 10:01 AM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maanta oo axad ah magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu kala saxiixday heshiis ganacsi oo la isku dhaafsanayo kalluunka iyo Qaadka.

6/20/2021 8:27 AM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Xubnaha cusub ee golaha deegaanka Burco, ayaa Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi u doortay mayor ka cusub ee Burco, halka ay Mukhtaar Maxamed Cabdi u doorteen mayor ku xigeen.

6/20/2021 7:18 AM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dagaal xoogan oo aay la galeen dagaalamayaasha Al-shabaab, kadib waxay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Orshe oo qiyaastii 50KM dhinaca Bari kaga beegan degmada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

6/20/2021 5:05 AM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Gudoomiyaha degmada Laascaanood ayaa loo doortay Cabdiraxiin Cali Ismaaciil oo xisbiga Waddanì ka tirsan halka kuxigeena loo doortay Axmed Maxamuud Kawte oo ka soo jeeda xisbiga UCID.

6/20/2021 3:24 AM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab oo ka dhacay shalay galinkii dambe degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

6/20/2021 2:47 AM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Gabadhan 14 jirka ayaa la sheegay in kufsi wadareed loogu geystay deegaanka Ceelasha kadib markii la sheegay in qaab afduub ahaan looga kaxeystay wadada.