4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 20, 2021
Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Baay
 

Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab oo ka dhacay shalay galinkii dambe degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahanada Shabaab weerar ku qaadeen fariisimo ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Koofur Galbeed ku leyihiin gudaha degmada Diinsoor waxaana la sheegay inuu ka dhashay dagaalka khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Saraakiisha ciidanka dowladda oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegeen iney iska difaceen weerar kaga yimid Al-shabaab, islamar ahaantaana aay khasaare xoogan gaarsiyeen shabaabkii soo weeraray.

Saraakiisha waxay intaasi ku dareen iney guulo la taaban karo ka gaareen dagaalka ayna ku dileen 15 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana aay ka furteen hubka fudud sida Ak47 iyo agabyo kale oo ciidan, waa sidey hadalka u dhigeene.

Weerarada Al-shabaab ayaa u muuqanaya kuwa sii kordhaya tan iyo markii ciidamada dowladda aay iyaguna bilaabeen howlgalo aay kula dagaalamayaan dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]