5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 2 , 2021
Somaliland: 5 dagmo oo lagu dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee golayaasha deegaanka
 

Arbaco, Juun, 2, 2021 (HOL) - Waxa lagu dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee golayaasha deegaanka ee dagmooyinka Sallaxlay, Lughaya, Xudun, Saylac iyo Gar adag.

Degmada Sallaxlay xisbiga Kulmiye ayaa hogaaminaya oo ka helay 4 xildhibaan, UCID ayaa ku xiga oo ka helay 3 xildhibaan halka Waddani uu ka helay 2 xildhibaan.

Degmada Lughaya xisbiga Kulmiye ayaa hogaaminaya oo kalay 5 xildhibaan, Waddani iyo UCID ayaa iyaguna ka helay min 2 xildhibaan.

Degmada Xudun xisbiga Kulmiye ayaa hogaaminaya oo ka helay 7 xildhibaan, Waddani ayaa ka helay 2 xildhibaan halka UCID aanu waxba ka helin.

Degmada Saylac xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ayaa xildhibaano isku mid ah oo 4 iyo 4 ah ka helay halka UCID uu 3 xildhibaan ka helay.

Degmada Gar’adag xisbiga Kulmiye ayaa hogaaminaya oo ka helay 4 xildhibaan, Waddani ayaa isna ka helay 3 xildhibaan halka UCID uu ka helay 2 xildhibaan.

Isku gaynta degmooyinkan 5 ah ee ila hada lagu dhawaaqay xisbiga Kulmiye ayaa ku hogaaminaya 10 xildhibaan oo uu dheeryahay xisbiga Waddani oo inta badan kusoo xiga.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]