4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 16, 2021
Shil ka dhacay duleedka galbeed ee Haragaysa oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Arbaco, Juun, 16, 2021 (HOL)- 1 qof ayaa ku dhintay ugu yaraan 7 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii ay buur wadada ku teedsani soo duntay xili ay is dhaafayeen gaadhi bas ah oo rakaab siday iyo gaadhi kuwa xamuul ka ah duleedka galbeed ee Hargaysa.

Qofka ku dhintay shilka ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Jimcaale Cumar.

Dadka shilka ku dhaawacmay ayaa lagu daad gureeyay isbitaalka wayn ee Harageysa, halkaasi oo caafimaad kooda lagula tacaalayo.

Shilka noocan ah ayaa ah mid ugub ah, halka shilalka badan koodu ay ka dhashaan baabuur isku dhacday ama baabuur qalibmay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]