4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 16, 2021
Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo Dhuusamareeb kulan kula yeeshay madaxweynaha Galmudug
 

Arbaco, Juun, 16, 2021 (HOL) -Wafdigan ka socda Beesha Caalamka ee maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa halkaasi kulan kula yeesheen madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Wafdiga waxaa hoggaaminaayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wakiilada Midowga Africa, EU, iyo IGAD.

Kulanka ayaa looga hadlay intuu uu socday xaalada guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka iyo sidii loo dardargelin lahaa, waxaana la sheegay in la isla gartay dedejinta howlaha ka harsan arrimaha doorashooyinka dalka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa la sheegay in sidoo kale madaxweynaha maamulka Galmudug aay u balan qaadeen mashaariic horumarineed oo laga fulin doono deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Shalay ayay aheyd markii wafdigan ka socda Beesha Caalamka aay kulan noocaan oo kale ah kula soo qaateen magaalada Kismaayo madaxweynaha maamulka Jubbaland oo aay kala hadleen dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka, waxaana kulamadaan aay muujinayaan kaalinta aay Beesha Caalamka ka qaadaneyso hirgelinta arrimaha doorashooyinka dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]