4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 16, 2021
Agaasimihii hay'adda nabad sugida iyo sirdoonka Puntland ee gobolka Bari oo geeriyooday
 

Arbaco, Juun, 16, 2021 (HOL) - Cabdihakim Saciid, oo ahaa agaasimihii hay’adda sirdoonka Puntland (PISA) ee gobolka Bari ayaa ku geeriyooday magaalada Bosaso, sida HOL, ay u xaqiijiyeen masuuliyiin katirsan Puntland.

Geeridiisa oo ay kasoo wareegtay dhowr maalmood ayaa lala xiriiriyayaa inuu xanuunsanaa, halka warar qaar ay sheegyaaan inuu u geeriyooday cudurka safmarka ee Covid19 oo asiibay.

Wuxuu ahaa sarkaal qibrad wanaagsan u lahaa arrimaha sirdoonka, wuxuuna muddo dheer kamid ahaa saraakiisha hay’addaha sirdoonka maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Hay’ada Nabadsugida iyo sirdoonka Puntland (PISA) wali kama hadlin geerida sarkaalkan.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online