3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 14, 2021
Kenya oo shaacisay in ay dib u furayso Safaaradeedii Muqdisho
 

Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) - Kenya iyo Soomaaliya waxay dib ugu soo laabteen dhabbihii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii diblomaasiyadeed ka dib khilaaf daba dheeraaday oo labada dal ka dhaxeeyay tan iyo sanadkii hore.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya ayaa Isniintii maanta shaacisay in ay ku dhaqaaqi doonta tallaabo dib loogu furayo safaaraddeedii Muqdisho sida ugu dhaqsiyaha badan.

Kenya waxay dhinaceeda ku casuuntay Safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu ku laabto Nairobi oo uu shaqadiisa dib u bilaabo.

Arrintan ayaa waxay imaaneysaa maalmo kadib markii Kenya ay dib u fasaxday hawadeeda duulimaadyada ka imaanaya Soomaaliya iyo kuwa ka baxaya Kenya.

Soomaaliya ayaa horay u jartay xiriirkii diblumaasiyadeed ee ay la lahayd Kenya bishii Diseembar 2020, iyadoo ku eedeysay xadgudubyo joogto ah oo lagu sameeyay madax-bannaanida Soomaaliya iyo faragelinta arrimaha gudaha.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online

 












Click here
6/14/2021 11:14 AM EST
Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) - Ciidanka nabad sugida Puntland ayaa soo bandhigay askari horey uga tirsanaa ciidanka Puntland oo kasoo goostay kooxda Alshabaab sida uu lagu sheegay wareysi muuqaal ah oo laga duubay askarigan.

6/14/2021 10:48 AM EST
Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) - Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntey 17 nin oo ka tirsan ururka Alshabaab. Halka mid 18-aad oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Axmed Buraale lagu xukumey Xabsi daa’in, sida lagu xusay go'aan maxkamadda kasoo baxay.

6/14/2021 7:55 AM EST
Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) - Howlgalo qorsheysan oo ka dhan ah Ururka Al-shabaab ayay ciidamada Xoogga dalka ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deeganada ku yaala Galbeedka Magaalada Kismaayo.

6/14/2021 6:12 AM EST
Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada Hoose.

6/14/2021 1:34 AM EST
Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) - Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalo aay sheegeen in ciidamada amaanka ka sameeyeen magaalada Muqdisho lagu soo qabqabtay dad kala duwan.

6/14/2021 1:22 AM EST
Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa bayaan kasoo saaray guddigii maalin ka hor uu magacaabay Raysal wasaataha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iney baaritaano kusoo sameeyaan xaalada aay ku sugan yihiin ciidankii tababarka loogu qaaday dalka Eriteria, kuwaas oo la sheegay in laga qeyb galiyay dagaalo ka dhacay gudaha dalka Itoobiya.