4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 14, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay deegaanka Hoosingow ee gobolka Jubbada Hoose
 

Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-shabaab weerar ku qaadeen saqdii dhexe ee xalay Saldhig ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Hoosingow ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ayaa ku bilaawday Madaafiic lagu garaacay Saldhiga ciidanka Kenya ee deegaanka Hoosingoow kadibna isku badalay weerar fool ka fool ah sida aay dadka deegaanka ku warameen, waxayna sheegeen inuu jiro khasaare kala duwan walow aysan xaqiijin karin.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in dhankooda aay adeegsadeen Madaafiic jawaab u aheyd Madaafiicda lagu soo weeraray inkastoo aanan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay madaafiicda labada dhinac is weedaarsadeen.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay laba jibaaray weerarada aay ku qaadayaan fariisimaha ciidanka Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya iyo waliba gobolka waqooyi Bari Kenya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]