3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 14, 2021
Midowga Musharaxiinta oo Bayaan kasoo saaray guddiga loo magacaabay baaritaanka ciidanka Eriteria loo qaaday
 

Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa bayaan kasoo saaray guddigii maalin ka hor uu magacaabay Raysal wasaataha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iney baaritaano kusoo sameeyaan xaalada aay ku sugan yihiin ciidankii tababarka loogu qaaday dalka Eriteria, kuwaas oo la sheegay in laga qeyb galiyay dagaalo ka dhacay gudaha dalka Itoobiya.

Midowga Musharaxiinta ayaa bayaanka kasoo baxay ku sheegay iney soo dhaweynayaan go'anka Raysal wasaare Rooble uu ugu magacaabay guddi soo baara arrintaasi oo aay sheegeen inay tahay lalaabo loo baahnaa oo waqtigeeda kusoo beegantay.

Waalidiinta dhashay ciidanka loo qaaday tababarta dalka Eriteria ayaa dhowr jeer oo hore dowladda Soomaaliya ka codsadeen in caruurtooda nolol ama geeri dib loogu soo celsho waxayna Muqdisho iyo magaaloyin kale oo dalka ka mid ah ka dhigayeen banaanbaxyo cabasho ah oo dareenkooda aay ku muujinayeen.

Hoos ka akhriso Bayaanka kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/14/2021 11:25 AM EST
Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) - Kenya iyo Soomaaliya waxay dib ugu soo laabteen dhabbihii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii diblomaasiyadeed ka dib khilaaf daba dheeraaday oo labada dal ka dhaxeeyay tan iyo sanadkii hore.

6/14/2021 11:14 AM EST
Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) - Ciidanka nabad sugida Puntland ayaa soo bandhigay askari horey uga tirsanaa ciidanka Puntland oo kasoo goostay kooxda Alshabaab sida uu lagu sheegay wareysi muuqaal ah oo laga duubay askarigan.

6/14/2021 10:48 AM EST
Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) - Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntey 17 nin oo ka tirsan ururka Alshabaab. Halka mid 18-aad oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Axmed Buraale lagu xukumey Xabsi daa’in, sida lagu xusay go'aan maxkamadda kasoo baxay.

6/14/2021 7:55 AM EST
Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) - Howlgalo qorsheysan oo ka dhan ah Ururka Al-shabaab ayay ciidamada Xoogga dalka ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deeganada ku yaala Galbeedka Magaalada Kismaayo.

6/14/2021 6:12 AM EST
Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada Hoose.

6/14/2021 1:34 AM EST
Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) - Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalo aay sheegeen in ciidamada amaanka ka sameeyeen magaalada Muqdisho lagu soo qabqabtay dad kala duwan.