3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 11, 2021
Banaanbax Maalintii labaad Muqdisho ka dhigayaan Waalidiinta Caruurtooda ka maqan yihiin
 

Jimco, Juun, 11, 2021  (HOL) - Waaliditaan ayaa maalintii labaad banaanbaxyo ka dhigay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxayna dalbanayaan in caruurtooda dib loogu soo celiyo.

Waalidiinta banaanbaxayay ayaa sitay boorar aay ku qoran yihiin halku dhigyo aay ku muujinayaan dareenkooda si loogu soo celiyo caruurtooda oo aay sheegeen iney maqleen in laga qeyb galiyay dagaalo ka dhacay dalka Itoobiya.

Banaanbaxayaasha oo isugu jiray rag iyo dumar oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen in dowladda Soomaaliya aay kaga baahan yihiin nolol ama geeri iney ugu keenaan caruurtooda.

Banaanbaxa aay maalintii labaad Muqdisho ka wadaan waalidiintan ka dalbanaya in caruurtooda dowladda dib ugu soo celiso ayaa imaanaya, kadib markii dhawaan si rasmi u shaacisay Qaramada Midoobay iney heshay cadeeymo muujinaya in dagaaladii Itoobiya ee gobolka Tigreega aay ka qeyb qaateen dhalinyaro Soomaaliyeed taasoo sii kicisay dareenka iyo welwelka waalidiintaan caruurtooda dowladda sheegtay iney u qaaday tababar dalka Eretariya ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda beenisay in caruurta waalidiintaan laga qeyb galiyay dagaalo, waxayna sheegtay iney wali ku maqan yihiin tababarkii loo qaaday.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/11/2021 2:19 PM EST
Jimco, Juun, 11, 2021 (HOL) - Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo aheyd mid isaga lagu soo dhaweynaayay oo ka dhacday degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

6/11/2021 2:15 PM EST
Jimco, Juun, 11, 2021 (HOL) - Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa Cabdikariim Axmed Mooge, oo kaso baxay xisbiga Waddani uga tanaasulay loolanka mayornimada Hargaysa.

6/11/2021 8:39 AM EST
Jimco, Juun, 11, 2021, (HOL) - War kasoo baxay Xafiiska doorashooyinka ee dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in degaanno uu kamid yahay degaanka Soomaalidu doorashadii ka dhici lahayd dib loo dhigay.

6/11/2021 8:09 AM EST
Jimco, Juun, 11, 2021, (HOL) - Puntland ayaa gabi ahaanba laga mamnuucay gudniinka hablaha sida lagu sheegay amar kasoo baxay masuuliyiinta ugu sareysa maamulkaas.

6/11/2021 7:30 AM EST
Jimco, Juun, 11, 2021 (HOL)- Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sheegay in axsaabta mucaaradku anay kasoo horjeedin hanka mayor nimo ee Cabdikariim Axmed Mooge Liibaan.

6/11/2021 4:31 AM EST
Jimco, Juun, 11, 2021 (HOL) - Wasaarada waxbarashada Somaliland, ayaa xagjirnimo ku tilmaantay go’aan ay Puntiland ku sheegtay in ay imtixinaaadka shahaadiga ah ee Somaliland kaga mamnuucayso gobolka Sanaag.

6/11/2021 3:00 AM EST
Jimco, Juun, 11, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka dhageystay guddiga xaqiijinta guddiyada doorashooyinka, isagoona faray in habraaca hubinta la marsiiyo xubnaha cusub ee maamul goboleedyada soo magacabeen.

6/11/2021 1:35 AM EST
Jimco, Juun, 11, 2021, (HOL) - Maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa soo badelay xubnahii eedeynta laga soo gudbiyay lagu helay ee ku jiray guddiyada lagu murunsanaa ee doorashooyinka dalka.