4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 10, 2021
Shirkad Maraykan ah oo faquuq ku sameysay shaqaale Soomaali iyo madow kale oo lagu ganaaxay $5.5 million
 

Khamiis, Juun, 10, 2021 (HOL) - Shirkadda labaad ee ugu weyn ee soo saarta hilibka lo'da, hilibka doofaarka iyo digaagga ee dalka Mareykanka ayaa bixin doonta illaa $ 5.5 milyan si ay u xalliso dacwad ku saabsan in shirkaddu ay takooreyso shaqaalaha muslimiinta ah ee ka shaqeeya warshaddan oo ku taal waqooyiga Colorado.

Guddiga Fursadaha Shaqada ee loo simanyahay ee Mareykanka ayaa dacwadan geeyay maxkamada federaalka ee Denver sanadkii 2010, iyagoo sheegay in JBS Swift & Company ay takooreen shaqaalaha ka shaqeeya warshadeeda hilibka lo'da ee ku taal Greekley iyaga oo u diidaya nasashada iyo musqusha, si ka darran shaqaalaha kale.

Guddigan waxay warbixintooda ku sheegeen in dadka faquuqaan lagu sameeyay ay yihiin Muslimiin soogalooti ah oo ka yimid Soomaaliya iyo dalal kale madow ah. Guddigan ayaa arbacadii shalay ku dhawaaqay in JBS USA LLC, laga doonayo in ay bixiso $ 5.5 milyan oo la siinayo qiyaastii 300 qof oo shaqaale ah oo la sheegay in lagu xad gudbay.

Sida ku xusan dacwada, shirkadda JBS waxay ka hor istaagtay shaqaalaha muslimiinta inay tukadaan, iyagoo weliba dhibaateeya markay isku dayaan inay tukadaan iyo xilliyada musqusha.

JBS waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inay xirto ilaha biyaha inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan sanadkii 2008, iyadoo ka celisay shaqaalaha Soomaaliyeed ee muslimiinta ah inay ka cabbaan soon ka dib, iyo weysada ka hor salaada. Sida ku xusan dacwada.

“Maareeyayaasha JBS iyo shaqaalaha kale waxay hilib ama lafo ku tuuraan shaqaalaha madowga iyo kuwa Soomaalida, waxay ugu yeereen magacyo meel ka dhac ah, sida "Soomaalidu waa karaahiyo." Waxayna sidoo kale qoraalo meel ka dhac ah ku shaqaalaha muslimiinyta ku xardheen qolalka musqulaha ee warshadda Greekley,” ayaa lagu yiri dacwadda.

"Dacwaddani waxay noo tahay xusuusinta in kala sooca iyo dhibaataynta  ay weli yihiin dhibaatooyin ay tahay inaan bulsho ahaan wax ka qabano," ayuu yiri Gudoomiyaha guddiga fursadaha shaqo ee loo siman yahay, Charlotte Burrows.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online