3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 1 , 2021
Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay xubnaha guddiyada doorashooyinka
 

Talaado, Juun, 1, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo magacaabay xubnaha guddiyada doorashooyinka heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed uga mid noqonaya maamulkiisa.

Madaxweynahe Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya u soo gudbiyay Xubnaha maamulka Jubbaland uga mid noqonaya guddiyada doorashooyinka heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed.

Madxweynaha Jubbaland ayaa soo gudbiyay 8 xubnood oo guddiga doorashada heer dowlad goboleed ah, 2 xubnood oo guddiga heer Fedaraal ah iyo 2 xubnood oo ka mid ah guddiga xalinta khilaafaadka.

Magacaabistan iyo soo gudbinta xubnaha guddiyada doorashada uga qeyb noqonaya maamulka Jubbaland ayaa waxay noqonayaan xubnahii ugu horeeyay ee loo gudbiyo xafiiska Raysal wasaare Rooble, waxaana la filayaa in maamul goboleedyada kalana soo gudbiyaan guddiyadooda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/1/2021 12:57 PM EST
Talaado, Juun, 1, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in natiijada hor dhaca ah ee doorashoyinka barlamaanka iyo deegaanka lagu dhawaaqi doono caawa ama bari mid ahan.

6/1/2021 12:37 PM EST
Talaado, Juun, 1, 2021 (HOL) - Guddigii uu dhawaan Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay xaqiijinta shakhsiyaadka cabashada laga qabo ee Guddiyada Doorashooyinka ayaa soo bandhigay magacyada shakhsiyaadkaas oo tiro ahaan gaaraya 67 xubnood.

6/1/2021 12:25 PM EST
Talaado, Juun, 1, 2021 (HOL) - Goob-joogayaasha kormeerayay doorashooyinka Somaliland. ayaa sheegay in guud ahaan ay doorashooyinku u dhaceen si daah furan isla markaana raali ku wada ahaayeen dhaaman daneeyayaasha doorashada.

6/1/2021 9:48 AM EST
Talaado, Juun, 1, 2021 (HOL) - Nafisa Cumar Geelle oo ahayd gabadh 11 jir ayaa maanta maydkeeda laga helay iyada oo ku dhex jirta Digsi weyn oo dhexyaalay qolka ay ku noolayd oo kuyaala xaafad kamid ah magaalada Muqdisho.

6/1/2021 6:03 AM EST
Talaado, Juun, 1, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Ceelbacad oo 10 KM u jirta degmada Buulo burte ee gobolka Hiiraan.

6/1/2021 5:02 AM EST
Talaado, Juun, 1, 2021 (HOL) - Khilaaf xoogan oo la xiriira dhanka maamulida Canshuurta oo soo kala dhexgalay guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo ku xigeenkiisa dhanka Maaliyada ayaa sababay in ciidamo ka amar qaata guddoomiye ku xigeenka maaliyada gobolka Hiiraan Abuukar Maadeey aay xirtaan Buundada Luqliqato.

6/1/2021 3:43 AM EST
Talaado, Jun, 1, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa sheegay in sanaduuqda doorashada ee dhamaan gobolada Somaliland, ay soo xeroodeen marka laga reebo 4 sanduuq.

6/1/2021 3:11 AM EST
Talaado, Jun, 1, 2021 (HOL) - Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cismaan Aadan ayaa lagu sheegay in la kala diray guddigii farsamada ee dhismaha golayaasha deegaanada Galmudug.

6/1/2021 1:36 AM EST
Talaado, Juun, 1, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Xubno ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ka guddoomay liis aay kasoo gudbiyeen Xubnaha aay cabashada ka qabaan ee ku jira guddiga doorashada labada heer.

6/1/2021 1:32 AM EST
Talaado, Juun, 1, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa waxba kama jiraan ku tilmamay sheegashada Puntland ee ah in ay sanaaduuq doorasho qabatay.