4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 1 , 2021
Guddida doorashooyinka Somaliland oo ka hadlay xiliga lagu dhawaaqayo natiijada doorashooyinka
 

Talaado, Juun, 1, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in natiijada hor dhaca ah ee doorashoyinka barlamaanka iyo deegaanka lagu dhawaaqi doono caawa ama bari mid ahan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in waxyar mooyaane la tiriyay codadkii laga dhiibtay gobolada iyo degmooyinka Somaliland maalintii shalay isla markaana codad ka aan ilaa hada la tirin ay sababeen roobab ka da’ay gobolada bariga fog ee Somaliland.

“Waadka war qabtaan in roobab ka da’een bariga, ku talo galkii roobab kaasi wax bay ka badaleen, gaadiid badan oo ahayd in uu xalay fiid kii dhaqaaqo way socon kariwayen” ayuu yidhi.

“Inta badan way dhantay tirintii goobuhu, oo waala dhameeyay” ayuu hadalkiisa ku daray.

Riyo-raac ayaa sheegay in natiijada hordhaca ah ee doorashooyinka lagu dhawaaqi doono caawa ama maalinta bari mid ahaan.

“Waxan rajaynaynaa hadii ay caawa goor danbe noqon waydo in ay in ay bari noqoto insha Allah, oo lagu dhawaaqo hordhicii ugu horeeyay ee kasoo baxayay dagmo doorashooyinka” ayuu yidhi.

“Isla markaana hore loosii galo ku dhawaaqistii rasmiga ahayd” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dadwaynaha ku dhaqan guud ahan Somaliland, ayaa siwayn dhagta ugu taagaya ku dhawaaqista natiijada doorashooyinka, iyadoo marka lagu dhawaaqo ay 3 meelodow 2 meelood oo musharixiinta ka mid ahi waayi doonaan.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online