4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 1 , 2021
Goob-joogayaasha caalamiga ah ee kormeerayay doorashooyinka Somaliland oo warbaahinta la hadlay
 

Talaado, Juun, 1, 2021 (HOL) - Goob-joogayaasha kormeerayay doorashooyinka Somaliland. ayaa sheegay in guud ahaan ay doorashooyinku u dhaceen si daah furan isla markaana raali ku wada ahaayeen dhaaman daneeyayaasha doorashada.

D.R Greg Mills oo u hadlay goob-joogayaasha calaamiga ah, ayaa sheegay in goobaha codayntu ay u furnaayeen goob-joogayaasha iyo cidwalba oo doonaysa in ay eegto habka codaynta.

“Waxa lagu galay xaalad daah furnaana, goobaha codayntuna cidwalba way u furnaayeen, iyadoo ay raali kawada yihiin dhamaan daneeyayaasha doorashada”.ayuu yidhi.

“Goobaha badan kooda waxa la xidhay 6:00 fiidnimo, dadkii wali safka ku jiray ee aan codayna waxa loo ogolaaday in ay codkooda dhiibtaan ilaa 8:00 habeeno laga gaadhayay” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

D.R Mills ayaa sheegay in uu gaabis yari ku jiray habka codaynta marka la eego dadka codkooda dhiibanayay saacadiiba.

“Gaabis yar ayaa ku jiray hab socodka codaynta iyadoo sacadii ay codaynayeen inta u dhaxaysa 20-30 qof”

Waxa kale oo uu sheegay doorashadani sii xoojinayso dhaqankii dimuquraadiga ahaa ee ka hirgalay Somaliland, oo ku taala gobol aan dimuquraadiyada laga aqoonin.

“Tani waa doorashadii 8aad ee dimuquraadiya ee Somaliland ka dhacda, waxayna sii xoojinaysa dhaqankii dimuquraadiga ahaa ee ka dhex jiray gobol aan lagu aqoon dabeecad dimuquraadiyadeed” ayuu yidhi.

D.R ayaa tilmaamay in loo bahanyahay in adduunku aqoonsado dimuquradiyada Somaliland isla markaana Afrika taageerto.

“Waa in adduunku aqoonsada isla markaana Afrika ay taageertaa” ayuu yidhi.

Waxa uu intaa ku daray in codayntu u dhacday si nabad ah oo ay ku dheehantahay xiiso iyo riyaaq.

Hadalka goobo-joogayaasha caalamiga ah ayaa ka turjumaya wixi ay ku soo arkeen guud ahaan Somaliland maalintii shalay ee codayntu socotay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]