4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 1 , 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay duleedka degmada Buula burte
 

Talaado, Juun, 1, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Ceelbacad oo 10 KM u jirta degmada Buulo burte ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda weerar ku qaadeen deegaankaasi waxaana la sheegay inuu ka dhashay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlayay Idaacada ku hadasha afka ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in dagaalka saaka ka dhacay duleedka degmada Buula burte aay ciidamada Xoogga dalka guulo ka gaareen.

Taliye Odawaa ayaa intaasi ku daray in dagaalka saaka aay ciidamada Xoogga dalka Shabaab kaga dileen ilaa 25 dagaalamayaal ka tirsanaa dhaqdhaqaaqa Shabaab waa sida  uu hadalka u dhigay Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo la xariirta dagaalka saaka ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda Soomaaliya deegaanka Ceelbacad ee duuleedka degmada Buula burte.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]