4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 1 , 2021
Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland oo ka hadlay soo xeraynta sanaduuqda doorashada
 

Talaado, Juun, 1, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa sheegay in sanaduuqda doorashada ee dhamaan gobolada Somaliland, ay soo xeroodeen marka laga reebo 4 sanduuq.

Guddoomiyaha oo waraysi gaara siinayay MMTV, ayaa sheegay in 4 sanduuq ee aan wali soo xeroon ay sabab utahay baabuurti loo diray oo dhexda wax ku noqday isla markaana hada baabuur kale loo diray oo lasoo qaadayo.

“Sifiican bay usoo xoreedeen, waxan hada warbixintooda hayaa ilaa 4 sanduuq, oo aan wali goobohoodii soo gaadhin iyaguna wada nabad qaba” ayuu yidhi.

“Baabuurtii loo diray aya iyaga oo aan goobihii gaadhin dhexda wax ku noqday, marka baabuur kale oo badala ayaa loo diray, dhamaan intii kale waxay yimadeen xarumahoodi” ayuu hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay dhacday doorasho xor ah oo xalaal ah, isla markaana shacabku siwayn ugu soo baxeen cod bixinteeda.

“Doorasho wanaagsan baa dhacday oo xor oo xalaal ah, oo wakhtigii loogu talo galay ee 7 am-6 am ahayd goobo badan wakhti dheeri ah ku darsatay” ayuu yidhi.

Soo xeraynta sanaduuqda doorashooyinka deegaanka iyo wakiilada Somaliland ee shalay dhacay ayaa ilaa hada socota, sidoo kale waxa bar bar socota hubinta tirada codadka oo sida ilo lagu kalsoonyahay sheegayaan ay tiradoodu dhamaatay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]