4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 1 , 2021
Guddigii dhismaha Golayaasha deeganada Galmudug oo kala diray
 

Talaado, Jun, 1, 2021 (HOL) - Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cismaan Aadan ayaa lagu sheegay in la kala diray guddigii farsamada ee dhismaha golayaasha deegaanada Galmudug.

Kadib khilaaf xoogan oo dhanka wadashaqeynta ah oo soo kala dhexgalay guddoonka guddiga iyo xubnaha kale ayaa sababtay in la kala diro dhamaanba guddigii farsamada goloyaasha deegaanada Galmudug.

Degmada Balanbale ayaa lagu waday in maanta oo talaado ah aay ka dhacdo doorashada Golaha deegaanka, waxaana halkaasi ka jiray muran badan oo la xariiray xubnaha dhawaan lasoo xulay.

Khilaafaadka la xariira arrimaha doorashooyinka golayaasha deegaanada Galmudug ayaa sababtay in xilka qaadis uu ku sameeyay maalmo ka hor madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug wasiirkii arrimaha gudaha maamulkaas Cabdi Waayeel, kaasoo isna diiday xilka qaadista lagu sameeyay waxaana ugu dambeyn arrimahaasi aay keeneen in lakala diro Guddigii farsamada Golayaasha deegaan ee dowlad goboleedka Galmudug.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online