4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 8 , 2021
Guddoomiyaha xisbiga Waddani oo ka hadlay mawqifka xisbigiisa ee furista ururada siyaasada
 

Khamiis , Luulyo, 8, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxammed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay in xisbigiisu diyaar uyahay furista ururada siyaasada.

Cirro ayaa sheegay in Waddani diyaar u yahay furista ururada siyaasada iyo doorashooyinka kale ee soo fool leh.

"Dalkeenna waxaa ku soo socda 3 doorasho,  doorashadii golaha guurtida, doorashadii madaxtooyada, doorashada iyo ta ururada siyaasadda".

Xisbiga Waddani saddexda doorashaba diyaar buu u yahay, ee ninkii wax isla hayow bannaanka u soo bax" ayuu yidhi Cirro.

Cirro ayaa doorashada ururada siyaasada ka danbaysiiyay doorashada madaxtooyada marka la eego sida uu hadalkiisa u dhigay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxammed Faarax, ayaa isagu hore u sheegay in ururada la furi doono 6 bilood kahor doorashada madaxtooyada.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]