4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 8 , 2021
Puntland oo shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare
 

Khamiis, Luulyo, 8, 2021 (HOL) - Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa maanta shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ee fasalka 4-aad dugsiyada sare, waxayna soo bandhigtay tobankii arday ee ugu sareeyay guud ahaan imtixaanka.

Yacquub Mursal Yuusuf oo ahaa arday katirsanaa dugsiyada sare ee Bosaso Public ayaa kaalinta koowaad u galay imtixaankii shahaadiga ahaa.

Kaalinta labaadna waxaa galay, Cadnaan Cabdi Yaasiin oo ka socday dugsiga sare ee Imaamu Shaafici oo kuyaala Bosaso, halka uu kaalinta 3-aad galay Axmed Luqmaan Maxamed oo ka socday dugsiga sare ee Ugaas Yaasiin ee kuyaala Bosaso.

Saddex gabdhood ayaa kasoo muuqday toban arday ee ugu sareeyay natiijada imtixaanka, iyadoo sanadkii lasoo dhaafay ay kaalinta koowaad imtixaanka u gashay gabadh ardayad ah.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa u hambalyeeyay Ardeyda Dugsiyada Sarre ee  Puntland, gaar ahaan 10-ka Ardey ee sanadka Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad.

Madaxweye Deni, ayaa dhammaantood u rajeeyay mustaqbal wanaagsan iyo inay ka mirro dhaliyaan aqoonta la baray iyo dadaalka waalidiinta iyo macalimiintoodu ku bixiyeen.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online