4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 8 , 2021
Madaxtooyada Puntland oo jawaab ka bixisay eedaynta wasiir Jamaal u jeediyay madaxweyne Deni
 

Khamiis, Luulyo, 8, 2021 (HOL) - Afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Yuusuf Jaamac (Jaamac Dabaraani), ayaa jawaab ka bixiyay hadal kasoo baxay wasiirka qorshaynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, kaasoo madaxweynaha Puntland ku eedeeyay inuu faro galin ku hayo doorashada aqalka hoose ee ka dhacaysa Puntland.

Jaamac Dabaraani oo qoraal kusoo daabacay bartiisa twitterka ayaa ku tilmaamay hadalka wasiir Jamaal mid uu u adeegsanayo inuu mar kale colaad iyo rabshado ka huriyo Puntland.

“Waa nasiib daro inaad isku dayeyso inaad sawir xun ka bixiso Puntland iyo dadkeeda! Taariikhda ayaa ku qoridoonta,” ayuu yiri Dabaraani.

Wasiir Jamaal ayaa ugu baaqay madaxweyne Deni oo uu sheegay inuu yahay musharax madaxweyne, in uu faraha kala baxo dhammaan arrimaha la xiriira doorashada & inuu si deg deg ah u joojiyo faragelinta guddiyada farsamada doorashada.

Jamaal wuxuu sheegay in odayaasha beelaha, wakiillada & musharixiinta baarlamaanka ay dhammaantood muujiyeen walaac weyn oo ku saabsan heerka ay gaarsiisan tahay wax is daba marinta, cagajugleyn iyo faragelin uu doorashada ku hayo madaxweyne Deni.

Xildhibaan Jamaal oo lagu tiriyo saaxiibada dhow ee madaxweyne Farmaajo ayaa loolan adag u galidoono sidii uu mar kale kursiga xildhibaanimo ugusoo laaban lahaa.

Warar ay helayso HOL, waxay sheegayaan in madaxtooyada Puntland ay dadaal xooggan badan ku bixindoonto sidii meesha looga saari lahaa inuu xildhibaan Jamaal mar kale soo laabto.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online