4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 8 , 2021
Wasaaradda kalluumaysiga Soomaaliya oo beenisay in ay ku lug leedahay kalluumaysiga sharci darrada ah ee xeebaha Soomaaliya
 

Khamiis, Luulyo, 8, 2021 (HOL) - Wasaaradda kalluumaysiga Soomaaliya ayaa dacaayad lagu suurad xumeeyo horrumarada laga sameeyey dhinaca Kalluumeysiga ku tilmaamtay warbixin kasoo baxday urur caalami ah oo daraasadeeya dambiyada abaabulan ee caalamiga ah, oo magaciisa loo gaabiyo Global Initiative.

Ururkan ayaa dhawaan daabacay daraasad laga sameeyay kalluumaysiga sharci darrada ah iyo kaalinta ay masuuliyiinta kalluumaysigu ku leeyihiin bixinta shatiyada been abuurka ah ee la siiyo maraakiibta jarriifka ku haya xeebaha Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay sheegtay in qoraaga daraasadaas oo lagu magacaabo Jay bahadur uu yahay, nin ku caan ku ah warbixinnada dhaawaca ku ah qaranimada iyo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online