4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 6 , 2021
Markabkii ugu horeeyay ee Itoobiya leedahay oo kusoo xidhay dekeda Berbera
 

Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) - Markab laga leeyahay dalka Itoobiya oo lagu magacaabo Gibe, ayaa kuso xidhay dekeda Berbera.

Markab kan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee ay Itoobiya leedahay ee dekeda kuso xidha dekeda Berbera, ayaa waxa leh shirkada maraakiibta Itoobiya ee Ethiopian shipping logistics services.

Markabka Gibe ayaa waxa wakiil ka ah shirkada koontinarada soo dajisa ee Intergrated Shipping Services Berbera.

Shirkada markabka Gibe iskaleh ayaa ah shirkad guun ah oo la asaasay sandkii 1964, waana shirkad bixisa adeega dhoofinta alaabada.

"Waxaanu bixina adeegyada badeecadaha badaha iskaga kala goosha" sida waxa yidhi guddoomiye ku xigeenka shirkada Siraaj Cabdalla oo Somaliland safar ku jooga.

Marakiibta ay shirkadani leedahay ayaa iskugu jira qaar Itoobiya leedahay iyo qaar kale oo ay soo kiraystaan.

"Waxanu adeegsana maraakiib uu qaranku leeyahay iyo qaar kale oo aanu soo kiraysano" Siraaj Cabdalla aya markale sida yidhi.

Dowlada Itoobiya oo 19% ku leh saamiga dekeda Berbera, ayaa la rajaynayaa in ay noqoto suuqa ugu wayn ee dekeda Berbera yeelan doonto.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]