4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 6 , 2021
Puntland oo saraakiil ciidan u xirtay baxsashada maxbuus ku xukunmaa dil toogasho
 

Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) - Puntland ayaa saraakiil ciiddan u xirtay maxbuus ku xukunmaa dil toogasho ah oo baxsaday, sida uu sheegay afhayeenka ciiddanka asluubta Puntland, gaashaanle sare Cabdirisaaq Maxamuud Xarrago.

Maxbuuska oo aan la shaacin dambigiisa, ayaa baxsaday xilli loo sii waday isbitaalka magaalada Qardho, halkaas oo lagu waday in arrimo caafimaad loo geeyo kadibna lagusoo celiyo xabsiga Qardho.

Afhayeenka ciidanka asluubta ayaa sheegay, in dabley hubaysan ay weerar kusoo qaadeen askartii ilaalinaysay maxbuuska, waxayna ku guulaysteen in ay awood kula wareegaan maxbuuska.

Saraakiisha loo xiray falkan ayaa lagu eedeeyay in ay sameeyeen dayacaad ayna maxbuuska la garab mareen isbitaalka, taasoo abuurtay shaki ah in ay kaalin ku lahaayeen fakadka maxbuuska.   

“Waxaa noo caddaatay in ay jirtay dayacaad ay sameeyeen ciiddankii maxbuuskaas waday, ayna dhici karto in qaarkood xidhiidh la leeyihiin nimankaas hubaysnaa. Sidaas darteed, waxaa kiiska u xiran saraakiishii kaxaysay maxbuuska ,”ayuu yiri afhayeenka asluubta.

Hal askri oo katirsan ciiddankii loo xilsaaray amniga maxbuuska ayaa baxsaday falka kadib, laamaha amniga ayaa raadinaya.

Falkaan ayaa dhacay taariikhdu markay ahayd soddonkii bishii june ee tagtay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online