4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 6 , 2021
Xisbiga Waddani oo ka hadlay arrinta ardayga lagu dilay Boorama
 

Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) - Xogeeyaha arrimaha gudaha ee xisbiga Waddani Maxammed Faarax Cabdi, ayaa ku baaqay in baadhis lagu sameeyo arrinta ardayga lagu dilay Boorama.

Xogeeyaha ayaa sheegay in ay xisbi ahaan ku baaqayaan in lasoo dadajiyo baadhista iyo dacwada dilka ardayga.

"Ka xisbi ahaan, waxaanu ku baaqayna in arrinka si dag dag ah looso gaba gabeeyo maxkamadana la horkeeno" ayuu yidhi.

Xogeeyaha ayaa booliska ugu baaqay in laga taxadaro in arrintan oo kale markale dhacdo.

"Waxanu halkan baaq uga dirayna in booliska wacyigiisa kor loo qaado, mardanbena anay tanoo kale dhicin" ayuu yidhi.

Ibraahim Cabdishakuur Ibraahim, ayaa askari boolis ahi  Isniintii ku dilay jaamacada Camuud ee magaalada Boorama oo uu wax ka baranayay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]