4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 6 , 2021
Faahfaahino kasoo baxaya weerar ka dhacay gobolka Gedo
 

Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deeganada Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi aay ka dhaceen dagaalo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Shabaab aay weerar dhabo gal ah ku qaadeen kolanyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada dowladda kuwaas oo marayay inta u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogana oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac sida dadka deegaanka sheegen.

Saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa sheegay iney iska difaaceen weerarka ay kuso qaadeen dagaalamayaasha Shabaab, ayna si nabadgalyo ah si wateen socdaalkooda.

Al-shabaab ayaa sidoo kale dhankooda guula ka sheegtay weerarka jidgalka ahaa oo ay ku qaadeen kolanyada ka tirsan Militariga Soomaaliya, islamarkaana ay ku dileen laba askari sadax kalana ay ku dhaawaceen, inkastoo aysan jirin sheegashadooda warar ka madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dagaalkaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]