4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 6 , 2021
Ardayda jaamacada Camuud oo ka hadlay sida uu u dhacay dilka arday lagu dilay jaamacada
 

Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL)  -  Qaar kamida ardayda jaamacada Camuud ee Boorama, oo ka hadlay dilka loo gaystay mid kamid ah ardayda, ayaa sheegay in is afdhaaf uu sababay dilka.

"Telefoon kiisi ayuu kuso iloobay jaamacada kadibna wuxu damcay in uu soo qaato taasi ayaa sababtay in ay is afdhaafaan ciidanka" mid kamida ardayda ayaa sida Horyaal TV u sheegay.

Ardayda ayaa sidoo kale beeniyay in ardayga dhintay uu sitay calanka Soomaaliya sida baraha bulshada lagu baahiyay.

"Halkan waxaanu ka caddaynayna in Ibraahim aanu sidan  wax calan Soomaaliya ah, ee uu aha arday imtixaan soo galay" mid kamida ardayda ayaa sida Horyaal TV u sheegay.

Ardayga ayaa geeriyooday kadib markii uu isku dayay in uu gudaha u galo jaamacada Camuud oo imtaxaan ka socday si uu uso qaato teleefon uu soo iloobay sidana ay xabadi ugu dhacday.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]