4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 5 , 2021
Beesha caalamka oo soo dhoweysay go'aanadii kasoo baxay shirkii wadatashiga qaran ee doorashooyinka
 

Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Beesha caalamka ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay kusoo dhoweynayso natiijada kasoo baxday shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho ka dhacay 29-kii Juunyo, ee laga soo saaray go’aano ka mid yihiin jadwal cusub oo doorasho.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Dowlad-Goboleedyada, doodihii wax ku oolka ahaa ee ay yeesheen iyo xiriirka lala sameeyey saamileyda sida Golaha Midowga Musharixiinta, taasoo ay sheegeen in ay aasaas u tahay sii socod ka horumarka xagga doorashada.

“Waxaan hoosta ka xariiqnay in Golaha Wadatashiga Qaranka ay go’aan muhiim ah ka gaareen jadwalka doorashada iyo doorka kooxda ka taageerta Farsamada Doorashada iyo ballaarinta lagu sameeyey si loogu daro Wakiillada Dowlad-Gobolleedyada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah waxay ugu baaqeen dhammaan saamileyda, oo ay ku jiraan hay’adaha maamulka doorashada, inay u gutaan si karti leh masuuliyadahooda iyo balamihii iyadoon dib u dhac lahayn horena ugu sii socdaan.

Dhinaca kale, beesha caalamka waxay sheegeen inay soo dhaweyneynaan go’aanka ay Golaha Wadatashiga kala bar hoos loogu dhimay kharashka is-diiwaangalinta musharixiinta haweenka ah, taasoo qeyb ka ahayd go’aanadii kasoo shirkii wadatashiga qaran ee doorashooyinka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online