4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 5 , 2021
Maamulada Koofur Galbeed iyo Galmudug oo kala doortay guddoomiyaha guddiga doorashada iyo ku xigeenkiisa
 

Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu doortay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka maamulka Koofur Galbeed ayaa loo doortay Yuusuf Cabduqaadir Maxamed Baffo oo helay codad gaaraya 10 cod, halka Maxamed Cabdullaahi Isxaaq oo la tartamayna uu helay 1 cod kaliya.

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeeshay Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyaga oo  doortey Gudoomiye iyo Gudoomiye Kuxigeen.

Waxaa sidoo kale guddoomiye ku xigeenka guddiga oo loo doortay Nuurdiin Ibraahim Aadan oo helay codad gaarayay 9 cod iyadoo Cabdullaahi Cabdi Mudalin oo la tartamayna uu helay 2 cod kaliya.

Dhinaca kale waxaa doorasho taa lamid ah galay guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug, iyaga oo doortay guddoomiye iyo ku xigeenkiisa.

Waxaa xilka guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada maamulka Galmudug ku kala guuleystay Maxamed Daahir Guuleed oo loo doortay guddoomiyaha, kaaso helay codad gaaraya 11 cod mana jirin qof la tartamay.

Saacid Aadan Jaamac ayaa isna loo doortay guddoomiye ku xigeenka waxa uuna helay 11 cod, mana jirin cid la tartantay.

Maamul goboleedyada haray ayaa iyagana la filayaa in maalmaha soo socda aay doortaan guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada ee maamuladaasi ku matalaya sida Jubaland, Puntland, Hirshabeelle, kuwa gobolada Waqooyi ee Somaliland, iyo Beelaha Banaadiriga.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]