3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 31, 2021
Madaxweynaha Koofur Galbeed oo soo gudbiyay qeyb ka mid ah Tartamayaasha Aqalka Sare ee maamulka Koofur Galbeed
 

Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa soo gudbiyay liiska Shan kursi oo ka mid ah kuraasta lagu tartamayo ee Aqalka sare xubnaha ku matalaya maamulka Koofur Galbeed.

Shanta kursi ee uu soo gudbiyay madaxweyne Laftagareen ee noqonaya kuraastii ugu horeysay ee lagu tartami doono ee maamulka Koofur Galbeed ayaa laba ka mid ah Shanta kursi waxaa ku tartami doono haween.

Dhinaca kale guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay Jadwalka Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee JFS.

Doorashada Shantan kursi ee ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee deegaan doorashadoodu tahay Koofur Galbeed ayaa lagu wadaa iney qabsoonto maalinta Isniinta ah oo ay taariiqda ku beegan tahay 02-08-2021.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa noqonaya maamulkii labaad ee u diyaar garoobaya qabashada doorashada Baarlamaanka Aqalka Sare ee Soomaaliya.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/31/2021 4:57 PM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in Guddoomiyihii komishinka Doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sool Cabdillaahi Laba- go'le ay dabley hubaysan goordhawayd ku dileen Laascaanood.

7/31/2021 11:21 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxummed Xasan Buuni, oo waraysi siiyay Saab TV, ayaa beeniyay eedaha mucaaradku ay u jeedinayaan xisbiga Kulmiye, ee ah in ay cashuurtii shacabka u isticmaalayaan hanashada aqlabiyada xildhibaannada mucaaradka.

7/31/2021 9:47 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Wasaaradda gargaarka iyo maareynta masiibooyinka dowladda federalka Soomaaliya, Wasaaraddaha gargaarka dowlad goballeedyada iyo maamulka Gobalka Banaadir, ayaa kulan ay wada yeesheen maanta waxay ka soo saareen war-murtiyeed ay muujiyayeen walaac aad u weyn oo ku aadan xaaladdaha bini’aadanimo ee Soomaaliya.

7/31/2021 8:14 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Labo kamid ah cayaartoydii ku dhaawacmay qaraxii shalay lala eegtay gaari bas ah oo ay la socdeen koox kubbada cagta ah oo ka dhisan magaalada Kismaayo, ayaa maanta loo qaaday magaalada Muqdisho.

7/31/2021 6:54 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Xogeeyaha abaabulka ee xisbiga Waddani Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay aad uga xunyihiin dhibaatada ka dhacday gobolka Siti ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaasi oo ciidamada Canfartu shacab Soomaali ah ku laayeen.

7/31/2021 2:52 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay horumarka laga gaaray hirgelinta heshiiskii 27 -kii May ee ay kala saxiixdeen Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynayaasha Dawlad goboleedyada.

7/31/2021 2:15 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in aay fashilisay isku-day ay kooxda Al-shabaab ku doonaysay inay ku gasho dalka Itoobiya.

7/31/2021 1:54 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska maamulka Jubbaland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxii shalay gilinkii dambe magaalada kismaayo lagula beegsaday dhalinyaro Ciyaartoy aheyd oo saarna gaari bas ah.

7/31/2021 1:30 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadlay hanaankii lagu dhisay Hirshabeelle.

7/31/2021 1:21 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - 2 caruur ah ayaa dhintay kadib markii uu dab qabsaday gurigooda oo ku yaala xaafada Daami ee caasimada Somaliland ee Hargaysa, waxaana lagu guulaystay in dabka laga bad baadiyo qoyska intii kale.