4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 30, 2021
Somaliland: Xildhibaan mucaaradku sheegeen in la afduubay oo hadlay
 

Jimco, Luulyo, 30, 2021 (HOL) - Xildhibaan Ibraahin Maxammed Jaamac (Khadar Guun) oo xildhibaan kamida xildhibaannada isbahaysiga mucaaradku sheegay in xukuumada Somaliland afduubtay, ayaa sheegay in anay jirin cid afduubtay.

Xildhibaan Khadar Guun oo kamid aha xildhibaannadii kasoo baxay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay in uu si iskii ah ugu biiray xisbiga talada haya ee Kulmiye isla markaana markii horeba si khasab ah lagaga sharaxay Waddani.

"Ma waxa jira sharci odhanaya qofka xildhibaan ka ah huteel Maamuus fadhiiso, oo isbahaysiga la fadhiiso Somaliland cunfiga dhex galiyay, mise dowladu halkay joogto iyo xisbigaygii jujuubka laygaga kexeeyay ee layga sharaxay Waddani" ayuu yidhi Khadar Guun.

Xildhibaanka ayaa beeniyay in xukuumada Somaliland ay afduubtay sida uu xildhibaan Khadar Cali Xakiin oo mucaaradka katirsani uu warbaahinta ka sheegay xili isaga iyo xildhibaano kale  oo mucaarad ahi ay si wada jir ah warbaahinta ula hadlayeen.

"Waxan aad uga xumahay inanka yar ee xildhibaanka ah ee aniga oo Hargaysa ku dhashay oo ku bar baaray yidhi Khadar waala afduubay, anigu nin Hargaysa lagu afduubi karo ma ihi, adigu waxad tahay inan yar oo magaalo kale ka yimide horta soo dhawaw hana noqon badow magaalo soo galay" ayuu yidhi xildhibaan Khadar Guun.

Xildhibaan Khadar Cali Xakiin oo kasoo baxay xisbiga Waddani kana tirsan isbahaysiga mucaaradka, ayaa xili isaga iyo xildhibaano kale oo mucaarad ahi warbaahinta la hadlayeen sheegay in xildhibaan Khadar Guun xukuumada Somaliland afduubtay.



Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]