3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 29, 2021
Afar ka mid ah kuraasta Aqalka Sare oo doorashadooda goordhaw lagu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo


Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah usoo gabagaboobay doorashada afar ka mid ah kuraasta Xildhibaanada Aqalka sare ku matalaya maamulka Jubbaland.

Ilyaas Badal Gaboose ayaa noqday Xildhibaankii ugu horeeyay ee lagu doortay magaalada kismaayo, isagoo ka guuleystay Maxamed Axmed Sayid oo la tartamay, Ilyaas Gaboose ayaa helayay Codad gaaraya 55 halka Maxamed Axmed Sayid uu helay 17 Cod.

Kursiga labaad ayaa waxaa sida qorshuhu ahaa ku tartami rabay Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Axmed Maxamed Jaamac, hasa ahaatee waxaa tanaasulay Axmed Maxamed Jaamac waxaana cod gacan taag ah oo ay sameyeen golaha Wakiilada Jubbaland 71 mudane ugu codeyeen Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo sidaas ku noqday mudanahii labaad ee kusoo baxa kursiga labaad ee doorashada Aqalka sare.

Kursiga sadaxaad ee doorashada maanta ka dhacday Kismaayo waxaa ku tartamay Cabdirisaaq Maxamed Cismaan iyo Xaliimo Jaamac Maxamed waxaana ku guuleystay Cabdirisaaq Maxamed oo helay 59 Cod, halka Xaliimo Jaamac iyadana ay heshay 12 Cod.

Kursiga ugu dambeeyay ee ahaa kursiga afaraad ee kuraasta maanta lagu tartamaayay waxaa kuwada tartami lahaa Ibraahin Yacquub iyo Iftin Xasan Iimaan Baasto, hasa ahaate waxaa tanaasul sameeyay Ibraahin Yacquub waxaana sidaas ku guuleystay Cod gacan taag ah oo ay sameeyeen golaha Wakiilada Jubbaland Ifitin Xasan Baasto oo noqday Senatarkii afaraad oo maanta kismaayo lagu doortay.

Goobta doorashada ka dhacday ee magaalada Kismaayo waxaa ku wada sugnaa guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ee Jubbaland, guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka iyo masuuliyiin kale oo goobjoog ka ahaa doorashada maanta ka qabsoontay Kismaayo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/29/2021 5:17 PM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxummed Xasan Buuni, oo u jawaabayay madaxda axsaabta mucaaradka ah, ayaa hadalka madaxda mucaaradka ku tilmaamay ceebayn iyo magac dil ay ku samaynayaan doorashadii dhacday.

7/29/2021 10:43 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid Maxammed, ayaa sheegay in kadib baadhitaan ay sameeyeen xukuumadaha Somaliland iyo Itoobiya ay ku ogaadeen in anay waxba ka jirin cabashada xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi.

7/29/2021 9:24 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxammed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqay in ay baadhis ku samayso arrinta xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi, oo sheegay in xukuumada Somaliland ku afduubi gaadhay gudaha dalka Itoobiya.

7/29/2021 8:32 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Madaxda isbahaysiga mucaaradka Somaliland, ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay inuu iibsanayo xildhibaanada mucaaradka isla markaana uu dacwaynayo iyo xildhibaanada muxaafadka ee taageera mucaaradka.

7/29/2021 7:56 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa guul weyn oo ay gaareen ku tilmaamay in ay Soomaaliya ka saareen hubanti la’aantii ku saab sanayd doorashada ee muddada dheer soo jiitamaysay.

7/29/2021 7:18 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidanka booliiska Somaliland sareeye guuto Maxammed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa sheegay in ciidanka booliisku gacanta ku dhigeen 470 mijood oo Xashiishad ah.

7/29/2021 7:01 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose si rasmi ah uga bilaawday doorashada qaar ka mid ah kuraasta Xildhibaanada Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya Jubbaland, iyadoona la doortay Senatarkii ugu horeeyay ee Aqalka Sare.

7/29/2021 4:14 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Puntland ayaa baaq nabadeed kasoo saartay dirirta labo maleyshiyo beeleed oo ku dagaalamay deegaannada Sanjabshe iyo aaga Saax-maygaag ee degmada Boocame ee gobolka Sool.

7/29/2021 3:58 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Taliyaha Ciidamada Difaaca Kenya, general Robert Kibochi ayaa sheegay ciidamada Kenya in aysan ka bixi doonin Soomaaliya waqti dhow.

7/29/2021 3:45 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa faahfaahino dheeraad ah ka bixiyay howlagalo qorsheysan oo ay sheegeen in ciidamada dowladda ka sameyeen deegaanka lagu magacaabo Afcad oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.

7/29/2021 2:06 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ay ka bilaabato doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya qeybta deegaan doorashadooda tahay Jubbaland.