4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 29, 2021
Kenya oo sheegtay in waqti dhow aysan ciiddamadeeda kala bixidoonin Soomaaliya
 

Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Taliyaha Ciidamada Difaaca Kenya, general Robert Kibochi ayaa sheegay ciidamada Kenya in aysan ka bixi doonin Soomaaliya waqti dhow.

Wareysi uu siiyay KBC, Kibochi wuxuu ku sheegay in Soomaaliya aysan xasilooneyn, ciidamadooda amnigana ay wali u baahan yihiin in laga taageero howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Gen Kibochi, ayaa sidoo kale sheegay in Kenya ay si firfircoon ugala shaqeynayso daneeyayaasha ay ku jirto UN-ka, si loo joojiyo dagaalka sokeeye ee Itoobiya.

Jeneraalka ayaa sheegay in dagaalada sokeeye ee ka socda Itoobiya ay qatar weyn ku yihiin amaanka dalka Kenya.

“Itoobiya waxay noo tahay istaraatiijiyad colaadeeda oo socotana walaac ayaan ka qabnaaa. Waxaan kala hadalnay arinta UN-ka inay soo faragaliso xasiloonida, ”ayuu yiri Gen Kibochi.

Sannadkan waxaa laga joogaa toban sano markii ay ciidamada Kenya aadeen Soomaaliya.

Ciidamada Kenya waxay gudaha u soo galeen Soomaaliya Oktoobar 14, 2011, taasoo ka dambeysay kadib markii kooxda Al Shabaab ay afduub ka geysteen gudaha Kenya kana bilaabay weeraro gobolka waqooyi bari.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online