4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 28, 2021
Guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland oo diiwaan galiyay qaar kamid ah musharraxiinta aqalka sare


Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa bilaabay diiwaangalinta qabashada codsiyada xubnaha musharaxiinta ah ee u tartamaya kuraasta Aqalka sare ee Soomaaliya gaar ahaan qaybta Jubbaland.

Guddiga ayaa isla galabta soo gabagabeeyay wajigii koowaad ee diiwaan galinta musharraxiinta, waxayna qaar kamid ah musharraxiinta aqalka sare guddoonsiiyeen shahaadooyinka caddeynaya musharraxnimadooda.

Musharax Ilyaas Badal Gaboose oo u tartamaya kuraasta Aqalka sare ee dalka ayaa noqday musharaxii ugu horeeyey ee isdiiwaan galiya, kaas oo la siiyey shahaadada aqoosiga musharaxnimo.

Guddiga waxay guud ahaan shahaadada musharraxnimo siiyeen lix musharrax oo kala ah; Ilyaas Badal Gaboose, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Iftiin Xasan Baasto, Abdirisaaq Maxamed Cismaan, Xaliimo Jaamac Maxamed iyo Maxamed Axmed Sayid.

Dhinaca kale, guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Faderaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Jubbalnd ayaa si wada jir ah u kormeeray goobta loo asteeyey in maalinka berrito ah ay ka dhacdo doorashada Aqalka sare ee dalka, iyadoo si guud amniga goobtaasna lagu wareejiyey Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Ciidamada Booliska AMISOM.

Jubbaland waa maamulkii ugu horeeyay ee ay ka billaaban doonaan doorashooyinka aqalka sare, xilli maamulada kale qaarkood aysan weli soo magacaabin guddiyadii doorashada aqalka sare.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online