4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 28, 2021
UK iyo Kenya oo kala saxiixday Heshiis cusub oo ka dhan ah khatarta Al-Shabaab
 

Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Boqortooyada Ingiriiska ayaa xoojineysa ka hortaga argagixisada iyo taageerada militari ee ay siineyso Kenya iyadoo labada dal ay kala saxiixdeen heshiis cusub oo iskaashi dhanka difaaca ah oo shan sano ah.

Xoghayaha gaashaandhigga UK, Ben Wallace iyo xoghayaha gaashaandhigga Kenya, Dr Monica Juma ayaa kala saxiixay heshiiska intii ay ku guda jirtay booqashadeeda London maalintii shalay.

Heshiiska ayaa u suurta gelinaya labada dal inay sare u qaadaan iskuduwida dadaalkooda wadajirka ah ee lagu hormarinayo amniga gobolka Bariga Afrika, oo ay ku jiraan la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Boqortooyada Ingiriiska iyo Kenya waxay horeyba si joogto ah uga wada shaqeeyaan ka hortagga qatarta Al-Shabaab, kaliya ma ahan tababarada, laakiin sidoo kale wadaaga macluumaadka iyo habab cusub oo kooxda Alshabaab dhaqaale ahaan loogu bartilmaameedsado, ayaa lagu yiri qoraalka heshiiska.”

“Waxay ahayd wax wanaagsan inaan maanta la kulmo Dr Monica Juma. Waxaan qabanay dooddo aad u miro dhal ah. Waxaan isla meel dhignay talaabooyin kala duwan oo aan ku ilaalinayno nabadda labada dalba. Kenya waxay muddo dheer ahayd saaxiibkayaga difaaca Bariga Afrika. Waxaan sii wadaynaa inaan is-garab-taagnaano sidii aan wax uga qaban lahayn hanjabaadaha berri," ayuu yiri, xoghayaha difaaca UK Ben Wallace.”

Ciidamada Ingiriiska waxay gacan ka geystaan tababarida in ka badan 1,100 oo askari oo Kenyan ah sanad walba ka hor inta aan loo dirin howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab.

Saxiixa heshiiska wuxuu yimid lix bilood ka dib markii labada xoghaye difaaca ay ku kulmeen Nairobi, iyagoo ku gaaray heshiis cusub oo oo xoojinaya wax ka qabashada Al-Shabaab iyo khataraha kale ee la wadaago sida dambiyada internetka iyo tahriibinta dadka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online