4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 28, 2021
Mareykanka oo ku dhawaaqay gargaar bini'aadanimo oo cusub oo loo fidinayo dadka Soomaaliyeed
 

Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Mareykanka ayaa shaaciyay ku dhowaad $ 199 milyan oo gargaar bani'aadamnimo oo loogu talo galay dadka Soomaaliyeed, si looga jawaabo saamaynta cunto yarida, abaaraha, daadadka, Ayaxa iyo safmarka  COVID-19.

Maraykanka ayaa taageeradan Soomaaliya u soo marsiinaya wakaaladda Horumarinta Caalamiga ee Mareykanka (USAID) iyo Waaxdiisa arrimaha Dibadda

Wadarta guud ee gargaarka bani'aadamnimo ee Mareykanku siiyay Soomaaliya ayaa ka dhigeysa in ka badan $ 408 milyan Sanadkan 2021.

Kaalmadan ayaa caawin doonta in badan oo ka mid ah ku dhowaad lix milyan oo qof oo Soomaaliyeed oo u baahan gargaar bani'aadamnimo, oo ay ku jiraan saddex milyan oo qof oo ku barokacay gudaha Soomaaliya iyo sidoo kale ku dhowaad 500,000 oo qaxooti Soomaali ah oo ku sugan Jabuuti, Itoobiya, iyo Kenya.

Taageeradan cusub waxay bixin doontaa gargaar cunto iyo nafaqo deg-deg ah, biyo nadiif ah oo la cabbo, fayadhowr, waxbarasho, iyo daryeel caafimaad.

“Waxaan soo dhaweyneynaa dadaalada UN-ka ee ah in indhaha lagu soo jeediyo dhibaatada dadka Soomaaliyeed. Waxaan weli ka walwalsanahay baahida bani'aadamnimada, waxaana ka codsaneynaa deeq-bixiyeyaasha kale inay gacan ka geystaan jawaabta caalamiga ah isla markaana ay bixiyaan taageerada loo baahan yahay si loo badbaadiyo nolosha,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Maraykanka.

Mareykanka waa deeq bixiyaha ugu badan ee gargaarka bini'aadanimo ka fuliya Soomaaliya iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee gobolka ku nool.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online